XASAASI: Madaxweynah Barcelona Oo Xaqiijiyay In Uu Marar Badan La Hadlay Neymar, Miyuuse Ku Soo Biiri Doonaa Kooxda

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa xaqiijiyay in uu la kulmay xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar.

Laakiin waxa uu sheegay in uuna xiddiga reer Brazil waxba uga sheegin rabitaankiisa ku aadan in uu ku soo laabto kooxda Barcelona.

Neymar aayaa ka tagay Camp Nou xagaagii 2017 isaga oo lacag rikoodh ah oo dhan 222 milyan oo euro ugu biiray kooxda PSG.

27 jirkan ayaa bilihii ugu dambeeyay lala xiriirinayay in uu ku soo laabanayo Barcelona sabab la xidhiidha in uuna ku faraxsanayn kooxda ka ciyaarta Ligue 1 oo uu doonayo in uu ku soo laabto Spain.

Isaga oo la hadlaya Radio Kanal Barcelona, Bartomeu ayaa qirtay in uu marar badan la hadlay xiddiga tan ilaa markii uu ku biiray kooxda PSG.

“Waxa aan la hadlay Neymar marar badan sanadihii la soo dhaafay”ayuu yidhi Madaxweynaha Barcelona,”waxa aan xitaa kulanay Mar laakiin marnaba igalama hadlin in uu doonayo in uu soo laabto, xitaa lamu hadlin cid uu arimahaas kala hadlay”.

“Waxa uu heshiis kula jiraa PSG, waxana uu qaadanayaa sanadkiisii 2-aad wayna ku adagtahay in ay iibiyaan”.

“Ma Doonayno in aan la soo wareegno, waxa ay noo tahay faa,iido daro sababta oo ah waxa ku jira heshiiskiisa qodob Barcelona khuseeya sidaas darteed waxa ay faa,iido u tahay kooxaha kale ee reer yurub”.

“Waana sababta ayna suurtgal u ahayn in uu ku soo laabto Barcelona”.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Post Comment