Willain, Giroud, Hudson-Odoi & Shaxda Laga Yaabo In Uu Maurizio Sarri Ku Soo Galo Kulanka Malmo Xilli Is Badal Weyn Ku Samayn Doono Shaxdiisa

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa la filayaa in uu is badal weyn ku sameeyo shaxdiisa kulanka caawa ay la ciyaari doonaan kooxda Malmo kulan ka tirsan tartanka Europa League.

Chelsea ayaa kulanka u soo galaysa in ay ka soo laabato guuldaradii ceebta lahayd ee ka soo gaadhay kooxda Man City todobaadkii hore.

Kooxda Maurizio Sarri ayaa 6/0 lagu xasuuqday kulan ka dhacay Etihad xilli 24 daqiiqo looga dhaliyay 4 gool.

Blues ayaa tababare Sarri u sheegtay in ay shaqadiisu ku jirto khatar waliba u qabatay muddo 2 todobaad ah si uu u badbaadiyo shaqadiisa.

Chelsea ayaa isha ku haysa in ay hal lug la sii gasho wareega 16-ka tartanka Europa League marka ay caawa la ciyaari doonaan Malmo.

Laakiin chelsea ayaa todobaadka dambe gaar ahaan Isniinta la ciyaari doonta kooxda Man United kulan FA Cup-ka ah oo uu ku xigi doono finalka Carabao cup-ka oo ay la ciyaari doonaan Man City waxana uu sarri u baahan yahay in uu kulanka caawa nasiyo xiddigaha ugu muhiimsan kooxdiisa.

Xiddigaha Willain, Hudson-Odio iyo Giroud ayaa la filayaa in ay hogaamiyaan weerarka Blues maadama ayna ka qayb qaadan kulankii Man City ama ayna ku bilaaban.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Shaxda laga yaabo in ay Blues kula ciyaarto Malmo:

Chelsea team news predicted line up Malmo

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Post Comment