WARBIXIN: Shan Xiddig Oo Aan U Ciyaarin Kooxohooda Xilli Ciyaareedkan

Xilli ciyaareedka ayaa maraya meel xasaasi ah tartamada oo dhan laakiin waxa jira xiddigo si weyn ugu dhibaatoonaya kooxohooda oo aanan wax kulamo ah u ciyaarin kuwaas oo la xiriira sababo kala duwan.

Xiddigaha Isco,Adrien Rabiot, James Rodriguez, Paulo Dybala, Riyad Mahrez & Mesut Ozil ayaa dhamaantood ka siman xaalada kaydka ay ugu jiran kooxohooda xilli ciyaareedkan.

Rabiot, James, Dybala, Mahrez and Özil.

Adrien Rabiot (PSG)

Xiddiga reer France ayaa isagu sabab heshiiskiisa la xidhiidha ugu ciyaari la, kooxdiisa PSG isaga oo iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda taas oo ku qabsabtay in uu Thomas Tuchel kaydka u dhaadhiciyo isaga oo aan kulamada qaar kuba darin kooxda.

James Rodriguez (Bayern Munich)

Inkasta oo uu James Rodriguez soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah hadana xiddiga reer Colombia ayay u badan tahay in uu isaga tagi doono Bayern dhamaadka xilli ciyaareedkan sidaas darteed 28 jirkan ayaa kulamadii ugu dambeeyay ka abxay qorshaha tababare Niko Kovac.

Paulo Dybala (Juventus)

Xiddiga reer Argentine ayaa 22 ku bilowday kaydka horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan isaga oo ku jira qaab ciyaareed aad u xun kaliyana 4 gool dhaliyay xilli ciyaareedkan taas oo keentay warar sheegaya in uu xiddiga doonayo in uu isaga tago kooxda xagaaga.

Riyad Mahrez (Manchester City)

Xiddiga ugu qaalisan taariikhda Man City ayaa ahaa xiddiga ugu muhiimsan Leicester City laakiin waxa uu haatan kaliya kooxda Man City u ciyaaraa kulamada koobka isaga oo aan ciyaarin 7-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka premier League.

Mesut Ozil (Arsenal)

Xiddiga ugu mushaharka badan Arsenal ee Mesut Ozil ayaan kooxdiisa u ciyaarin isaga oo kaliya 14 kulan u ciyaaray premier League isaga oo si joogto ah looga reebo Liiska xiddigaha kooxda Arsenal inkasta oo uu taam buuxa yahay.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

One thought on “WARBIXIN: Shan Xiddig Oo Aan U Ciyaarin Kooxohooda Xilli Ciyaareedkan

Post Comment