Sidee Ayuu Paul Pogba PSG Uga Caawiyay In Ay Man United Ka Reebto Tartanka Champions League Ka Hor Lugta 2-aad.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Julian Draxler ayaa sharaxay qaabka uu Paul Pogba si weyn uga caawiyay in ay PSG kooxda Man United ka reebto tartanka champions League.

Kaadhkii casaa ee loo taagay Paul Pogba lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League ayaa faa,iido weyn siiyay Man United sida uu sheegay Julian Draxler.

Pogba ayaa ganaax ku seegi doona lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League kadib markii uu kaadhka cas qaatay kulankii ay United guuldarada 2/0 kala kulantay [SG.

Xiddiga reer France ayaa khalad uu ku galay Dani Alves ku qaatay kaadhka 2-aad ee digniinta taas oo la macno ah in uu seegi doono kulanka dhici doona 6 bisha March.

Draxler iyo PSG ayaa si weyn ugu faraxsan in uu xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ee paul Pogba uu seegi doono kulanka xiga.

“Aniga ahaan Paul waa xiddiga ugu fiican Man United”ayuu yidhi ” waa xiddig aad muhiim ugu ah kooxda waxana aan salaasadii arkaysay sidii uu u fiicnaa”.

“Waa sababta aan aadka ugu faraxsanahay in uuna ciyaari doonin lugta 2-aad”.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Post Comment