Shaxda Laga Yaabo In Ay Arsenal Kaga Hor Tagto BATE Borisov: Suarez Ayaa Ku Bilaaban Kara.

Kooxda Arsenal ayay dhaawacyo hadheeyeen ka hor kulankooda Europa League ee lugta 1-aad ee wareega 32 tartanka xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa la ciyaari doonta kooxda BATE Borisov iyada oo ay ka maqnaan doonaan xiddigo dhawr ah oo kooxda 1-aad ah.

Unai Emery ayaa Liiska ka reebay xiddiga khadka dhexe ee Mesut Ozil kaas oo uu sheegay in uu xanuun uga hadhay iyo Aaron Ramsey oo dhaawac jilibka ah.

Si kasta ha ahaatee warka fiican ayaa ah in ay Gunners dib u heshay xiddigaha Granit Xhaka & Pierre-Emerick Aubameyang kuwaas oo taam buuxa u noqday.

Xiddigaha Ozil, Ramsey & Sokratis ayaa laga reebay iyo xiddigo kale oo muddo dheer garoomada ka maqnaan doona sida Hector Bellerin iyo Danny Welbeck.

Xiddiga Rob Holding ayaa ah xiddig kale oo aan mar kale u ciyaari doonin Arsenal xilli ciyaareedkan kadib dhaawac jilibka ah oo uu muddo dheer ku maqnaan doono.

Emery ayaa laga yaabaa in uu ku ciyaaro 3 daafac ah isaga oo ku bilaabi doona xiddigaha Shkodran Mustafi, Laurent Koscielny & Nacho Monreal.

Dhanka kale Denis Suarez ayaa la filayaa in uu ku bilowdo kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda Arsenal kadib markii uu amaahda ugu soo biiray.

Xiddigaha Henrikh Mkhitaryan & Alex Iwobi ayaa dhankooda filaya in ay ku soo bilowdaan ciyaata ama badal ku soo galaan.

Halkan Hoose Kaga bogo shaxda laga yaabo In Uu Emery ku soo galo kulanka caawa:

Arsenal team news predicted line up BATE Borisov

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Post Comment