Sergio Ramos Oo Sameeyay Qirasho La Yaab Leh & Ganaax 2 Kulan Ah Oo Ay U Sababi Karto

Kabtanka Kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa sameeyay qirasho la yaab leh kadib kulankii ay Real Madrid guusha ka gaadhay kooxda Ajax kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Sergio Ramos ayaa wajahaya ganaax 2 kulan ah kadib markii uu qirtay in uu si kas ah u qaatay kaadhka digniinta ah kulankii Ajax.

Kabtanka Los Blancos ayaa guul 2/1 ah ku hogaamiyay kooxdiisa lugat 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions league.

Ramos ayaa qaatay kaadhkii digniinta ahaa ee 3-aad tartanka kadib markii uu khalad ku galay weeraryahanka Ajax ee Kasper Dolberg taas oo la macno ah in uu ganaax ku seegid oono kulanka lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League.

Taas ayaa la macno ah in uu daafacu diyaar u ahaan doono lugta 1-aad ee wareega Quarter-Finalka hadii ay kooxdiisu u gudubto wareega xiga.

Laakiin xiriirka UEFA ayaa dusha ka saari kara ganaax 2 kulan oo kale ah kadib qirashadii uu sameeyay.

Markii wax laga waydiiyay khaladka ayuu Ramos yidhi”Waxa aan kuu sheegayaa Been hadii aanan ku qasbanaan in aan qaato kaadhka”.

“Waxa uu ahaa arin aan maskaxda ku hayay, ma ahan dhayalsi aan dhayalsanayo Ajax ama in aan u malaynayo in aan u gudubnay wareega xiga laakiin waxa aan go,aansaday si aan u qaato kaadhka si aan u Nasto lugta 2-aad inkasta oo aan ciyaarta garoonka ka daawan doono si aan kooxda u taageero”.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Post Comment