Rikoodh: Sergio Ramos Oo Laba Rikoodh Oo Raariikhi Ah Kala Baxay Kulankii Ajax, Mid Ayaan Fiicnayn.

Kabtanka Kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa isku qoray taariikhda kooxda Real Madrid kadib kulankii Ajax ee champions League.

Sergio Ramos oo caan ku ah in uu dhigo taariikh fiican iyo mid aan fiicnayn ayaa kulankii xalay ee Ajax kala baxay laba rikoodh.

Midka 1-aad ayaa ah mid aad u fiican kaas oo ah in uu noqday xiddigii 7-aad ee kooxda Real Madrid u saftay 600 oo kulan iyo wax ka badan tartamada oo dhan.

Ramos ayaa ka dambeeya xiddigaha Raul, (741), Iker Casillas (725), Manolo Sanchis (710), Santillana (645) Paco Gento (601) iyo Fernanado Hierro (601) kulan.

Rikoodhka kale ayaa ah in uu noqday xiddiga ugu badan ee taariikhda tartanka champions League qaatay kaadhka jaalaha ah ama digniinta ah.

Sergio Ramos ayaa xalay qaatay kaadhka digniinta ah intii uu socday kulankii Ajax waxana uu sidaas ku qaatay kaadhkii 38-aad isaga oo ah xiddiga ugu badan ee sidaas sameeyay taariikhda tartanka.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

2 thoughts on “Rikoodh: Sergio Ramos Oo Laba Rikoodh Oo Raariikhi Ah Kala Baxay Kulankii Ajax, Mid Ayaan Fiicnayn.

Post Comment