Mesut Ozil Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Arsenal Kadib Markii Laga Saaray Liiska Xiddigaha Europa League.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa fariin u diray taageerayaasha Arsenal kadib markii laga reebay Liiska xiddigaha la ciyaari doona kooxda BATE Borisov kulan ka tirsan Tartanka Europa League.

Xiddiga reer Germanay ayaa la xaqiijiyay in uuna kooxda intooda kale ula safri doonin Belarus xilli uu sidoo kale seegay kulamo badan xilli ciyaareedkan.

Ozil ayaa saacado yar kadib markii laga reebay Liiska bogiisa Twitter-ka soo dhigay sawir isaga oo tabaabr ku qaadanaya Garoonka tababarka Arsenal ee Colney Base.

Sawirka waxa uu xiddiga reer Germany ku qoray” Kooxdii Maanta guulaystay Tababarka isaga oo sii raaciyay #Ruuxda kooxda, waxa aan nahay Arsenal”.

Sida aad filayso Qoraalkaas ayaanay la dhicin taageerayaasha Arsenal iyaga oo la yaaban sababta uuna Ozil uga mid ahayn Liiska xiddigaha kooxda BATE Borisov.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Post Comment