Arsene Wenger Oo Shaaca Ka Qaaday Sababtii Uu In Hal Mar Ka Badan Isaga Diiday In Uu Tababare U Noqdo Real Madrid.

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa qirtay in fursadihiisii uu tababare ugu noqon lahaa Abid ay dhamaadeen.

Laakiin Wenger ayaa qirtay in uuna ka shalaynayn in uu iska diiday in uu tababare u noqdo kooxda Real Madrid intii uu joogay Emirates.

Wenger ayaa shaqada Arsenal isaga tagay sanadkii hore kadib ku dhawaad 22 sano oo uu hogaaminayay Arsenal kulana guulaystay 3 premier League iyo 7 FA Cup.

Intii uu joogay Arsenal waxa dhawr jeer dalab ka gudbisay Real Madrid si ay uga dhigato tababare laakiin waxa uu sheegay in uu iska diiday kooxda Los Blancos si uu diirada u saaro Asenal.

69 jirkan oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” waxa aan iska diiday Real Madrid in ka badan hal mar”.

“Haatan way dhamaatay fursadihii aan tababare ugu noqon lahaa Real Madrid laakiin hadii aad waydiiso tababare walba oo adduunka ah in ay xiiso u qabaan kooxda ugu weyn adduunka qof walba waxa uu odhanayaa waa kooxda ugu weyn adduunka”.

Wenger ayaa la waydiiyay sababta uu isaga diiday Real Madrid una doortay in uu sii joogo Arsenal ayaa yidhi”Waxa aan isaga diiday sababta oo ah waxa aan ku dhex jiray bilowga mashruuc cajiib ah”.

“Waxa aan dhisnay garoon cusub, waxa loo baahnaa in aan dib u bixino lacagta waxana aan kooxda u balan qaaday in aan joogi doona waanan ku faraxsanaa go,aankayga”.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Post Comment