Alexis Sanchez Oo Dhibaatada Dhaawacyada Ku Sii Xumeeyay Man United Ka Hor Kulamada Chelsea & Liverpool.

Masiibooyinka dhaawacyada ayaa isa soo taraya dhanka kooxda Man United kadib markii uu Alexis Sanchez ku biiray Liiska dhaawacyada.

Alexis Sanchez ayuu soo gaadhay dhaawac halis ah intii lagu guda jiray kulankii ay Man United guuldarada kala kulantay kooxda PSG.

Xiddiga reer Chile ayaa qaybtii dambe lagu bilaabay kulanka isaga oo badalay Xiddiga Jesse Linard oo qaybtii hore dhaawac uga baxay.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayuu dhaawac soo gaadhay intii uu ciyaarayay kulanka sida laga soo xigtay wargayska Dialy Mail.

Haatan xiddiga ayaa tartan u galaya in uu taam u noqdo kulanka FA Cup-ka ee ay la ciyaari doonaan chelsea xili ay United haatanba ka wal-walsan tahay dhaawacya xiddigo muhiim u ah kooxda.

Xiddigaha Lingard iyo Martial ayuu isla kulankii PSG dhaawac muruqa ah ka soo gaadhay waxana ay haatan khatar ugu jiraan in ay xitaa seegaan kulanka Liverpool ee Premier League.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Post Comment