Man United Oo Ogolaansho U Heshay In Ay U Dhaqaaqdo Xiddig U Ciyaara Chelsea Kadib Markii Uu Maurizio Sarri Ogolaaday In La iibiyo

Kooxda Man United ayaaa ogolaansho loo siiyay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga u ciyaara kooxda chelsea kaas oo ay Blues u ogolaatay in uu isaga tago kooxda Man La Gaadho Suuqa Janaury ee bilowga sanadka cusub ee 2019.

Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Gary Cahill kadib markii ay chelsea daafaca u ogolaatay in uu isaga tago kooxda Man La gaadho suuqa January.

32 jirka reer England aya kaliya 6 kulan u saftay chelsea xilli ciyaareedkan xilli uu Maurizio Sarri ka doorbido xiddigaha David Luiz iyo Antonio Rudiger.

Heshiiska uu Cahill haatan kula jiro kooxda chelsea ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu si xor ah isaga tagi karaa hadii uuna heshiis cusub la gaadhin Blues.

Laakiin sida laga soo xigtay Express, Cahill ayaa loo sheegay in uu xor u yahay in uu isaga tago kooxda suuqa January kuna biiro kooxda uu doonayo marka uu furmos uuqa Janaury.

Wararka ayaa sheegaya in uu Jose Mourinho diyaar u yahay in uu u dhaqaaqo xiddigan si uu ugu xaliyo dhibaatada daafaca ah ee kooxdiisa haysata xilli ciyaareedkan.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Post Comment