Zlatan Ibrahimovic Oo Shaaca Ka Qaaday Go,aankiisa Ku Aadan Ku Biirista Real Madrid

Wararka ka imanaya Spain ayaa shaaca ka qaaday go,aanka weeraryahanka reer Spain ee Zlatan Ibrahimovic ee ku aadan ku biirista kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa January.

Weeraryahanka reer Sweden ayaa si lama filaan ah loola xiriiriyay Real Madrid si ay ugu buuxiyaan weerarka oo dhibaatoonaya oo ayna goolal badan dhalin kadib bixitaankii Ronaldo.

Idaacada Cadena COPE ayaa sheegaysa in uu heshiiska Zlatan noqon doono heshiiska lama filaanka ah ee Real Madrid si ay ugu xaliso weerarka xilli uu weerarka 37 jirka ah sidoo kale doonayo in uu ku biiro Real Madrid.

Julen Lopegetegui iyo kooxdiisa Ayaa ku fashilantay in ay wax goolal ah dhalin waayaan 480 daqiiqo oo tartamada oo dhan ah ka hor inta uuna Marcelo soo afjarin rikoodhkaas kulankii Levante.

Idaacada ayaa intaas ku daraysa in ay talaaban noqon doonto midii ay Real Madrid qaaday sanadkii 2011 markaas oo ay si amaah ah ula soo saxiixatay Emmanuel Adebayor

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Zlatan Ibrahimovic Oo Shaaca Ka Qaaday Go,aankiisa Ku Aadan Ku Biirista Real Madrid

Halkaan Ku Qor Fikirkaada