Willian Oo Qirtay In Ayna Chelsea Kaliya Eden Hazard Ku Tiirsanaan Karin & Sababta Oo Uu Sheegay

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Willian ayaa qirtay in ayna kooxda chelsea ku tiirsanaan karin kaliya xiddiga Eden Hazard kadib markii uu xiddiga reer Belguim wax saamayn ah ku yeelan waayay kulankii ay Chelsea bar-baraha la gashay kooxda Man United sabtidii.

Eden Hazard oo ah xiddiga ugu goolasha badan ayaa wax saamayn ah ku yeelan waayay kulankii Man United ee sabtidii kulan ka tirsanaa todobaadkii 9-aad ee horyaalka premier League.

Hazard ayuu soo gaadhay dhaawac dhabarka ah kadib markii ay xiddiga badan oo man United ah khalad ku galeen xiddiga 27 jirka ah.

Xiddiga Chelsea ayaa haatan la filayaa in uu seego kulanka Europa League ee BATE Borisov iyo kulanka Burnley ee premier League ee todobaadka dambe.

Willian ayaa dib u helay booskiisa Joogtada ah ee kooxda chelsea xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 2 gool oo tartamada oo dhan  ah.

Laakiin Hazard ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan kooxda isaga oo 8 gool u dhaliyay tartamada oo dhan sidoo kale caawiye ka noqday 3 gool oo kale.

“Waxa aan dhamaanteen oganahay sida uu Hazard muhiim-ka noogu yahay laakiin waxa aan sidoo kale haysanaa xiddigo fiican oo tayo leh”ayuu Willian u sheega London Evening Standard.

“Mararka qaar ma dhalin kartid gool ama caawiye kama noqon kartid sidaas darteed waa sababta aan ugu baahanahay xiddigaha oo dhan, mararka qaar wuu isku dayaa laakiin ma shaqayso”.

“Xiddigaha Kale waa in ay wada jir u shaqeeyaan iskuna dayaan in aan kooxda wax u qabano”ayuu hadalkiisa sii raaciya.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada