TAARIIKH: Mesut Ozil Oo Isku Qoray Taariikhda Premier League Kadib Wacdarihii Uu Dhigay Kulankii Leicester

Xiddiga Kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa wacdaro dhigay kulankii xalay ay kooxdiisa Arsenal guusha ka gaadhay kooxda Leicester Kana tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 9-aad kana dhacay garoonka Emirates.

Mesut Ozil ayaa ku lug lahaa 3-dii gool ee ay dhalisay kooxda Arsenal isaga oo gool dhaliyay mid kale caawiye ka noqday mid kalena isagu sameeyay ka hor intii uun Bellerin caawiyaha ka noqon.

Goolkii uu Ozil uu dhaliyay qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ka ka caawisay in uu xiddiga reer Germany galo taariikhda horyaalka premier League.

Goolkii qaybtii hore ee uu Ozil dhaliyay ayaa ahaa midkii 30-aad ee uu Xiddigu ka dhaliyo premier League tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Arsenal taas oo ka caawisay in uu galo taariikhda premier League.

Ozil ayaa haatan noqday xiddiga reer Germany ah ee ugu goolasha badan taariikhda tartanka horyaalka premier League isaga oo rikoodhkaas ka qaaday halyeeyga Tottenham ee reer Germany ee Jurgen Klinsmann.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa markii hore la goolal ahaa Klinsmann iyo Uwe Rosler kuwaas oo wada lahaa 29 gool laakiin goolkii uu xalay dhaliyay ayaa ka caawiyay in uu daliyo goolkiisii 30-aad sidaasna ku noqdo xiddiga

Halkan Kaga Bogo Xiddigaha Reer Germany Ee Ugu Goolasha Badan Premier League:

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada