Romelu Lukaku Oo Sheegay Sababta Oo Goolal Badan Ugu Dhaliyo Xulka Belguim Uguna Dhibaatoodo Man United

Weeraryahanka kooxda Man United ee Romelu Lukaku ayaa shaaca ka qaaday sababta oo ugu dhibaatoodo in uu goolal u dhaliyo kooxda Man United sida fiicana goolasha ugu dhaliyo xulka qarankiisa Belguim.

Xiddiga 75 milyan ugu soo biiray United ayaan wax gool ah dhalin 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee Man United laakiin ku bilaaban doona kulanka Juventus ee champions League.

Lukaku ayaa dhaliyay 27 gool tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray xagaagii sanadkii hore waxana uu ku dhibaatooday in  uu qaab ciyaareed fiican si joogto ah u soo bandhigo.

Hadii uu Lukaku ku fashilmo in uu Juventus gool ka dhaliyo waxa ay noqon doontaa wakhtigii ugu dheeraa ee uuna wax gool ah dhan tan ilaa markii uu ku soo biiray United waxana uu qirtay in uu wali la qabsadanyo Man United.

“Xulka Belguim waxa aan u ciyaarayay 10 sano tan ilaa markii aan 16 jirka ahaa:ayuu Lukaku yidhi, “Xiddiguhu waxa ay i yaqaanaan si fiican”.

“Halkan laakiin waxa socota wada shaqayn aniga iyo saaxiibaday ah waxana aan samaynaynaa horumar fiican, waana wax aan ka shaqaynayno”.

“Xiddiguhu waxa ay u baahan yihiin wakhti dheer si ay u ogaadaan dhaq-dhaqaaqaysa  taas oo ah mid aan isla soo qabsanayno, waxa aan aaminsanahay in goolasha Belguim in ay halkana iman doonaan”.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Romelu Lukaku Oo Sheegay Sababta Oo Goolal Badan Ugu Dhaliyo Xulka Belguim Uguna Dhibaatoodo Man United

Halkaan Ku Qor Fikirkaada