Real Madrid Oo Ku Dhamaystay Todobaadka iyada Oo Ka Baxasan Boosaska Loogu Soo Boxo Tartamada Yurub, Goorma Ayaa Ugu Dambaysay Oo Ay Rikoodhkaas Dhigtay?

Wargayska MARCA ayaa shaacisay xog aan fiicnayn oo muujinaysa in ay kooxda Real Madrid ka baxday boosaska loogu soo boxo tartamada yurub markii ugu horaysay muddo aad u dheer kadib guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Levante todobaadkii 9-aad ee horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa guuldaro xun kala kulantay kooxda Levante kulan ka dhacayy Bernabeu taas oo keentay in u dhaa-dhacdo kaalinta 7-aad ee kala saraynta horyaalka iyada oo leh 14 dhibcood.

Julen Lopetegui iyo kooxdiisa ayaa ku fashilmay in ay guul gaadhaan 5 kulan oo xiriir ah tartamada oo dhan iyaga oo 4 ka mid ah guuldaro soo gaadhay hal kulana bar-baro galay.

Wargayska ayaa sheegaya in ay tahay markii ugu horaysay ee ay Real Madrd ka baxdo boosaska loogu soo boxo tartamada yurub ee Champions League iyo Europa League muddo 16 sano ah gaar ahaan sanadkii 2001/2002.

Real Madrid ayaa todobaadkii 9-aad ee sanadkaas ku dhamaysatay kaalinta 15-aad ee kala saraynta La Liga waana rikoodhkii ugu xumaa ee taariikhda kooxda tan ilaa haatan.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada