RASMI: 3 Xiddig Oo Muhiim Ah Oo Ka Maqan Liiska Xiddigaha Juventus Ee La Ciyaari Doona Man United

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Mario Mandzukic ayaa laga reebay Liiska xiddigaha Kooxda Man United ka hor tagi doona tartanka champions League kadib dhaawac kuraanta ah oo soo gaadhay.

Juventus ayaa xaqiijisay maanta oo isniin ah in Mario Mandzukic laga saaray tababarkii maanta ee ugu dambeeyay ka hor kulanka Salaasada ay la ciyaari doonto United.

Wargayska Calciomercato ayaa sidoo kale sheegay in uu xiddiga reer Croatia muddo 2 ilaa 3 todobaad ah ka maqnaan doono garoomada kadib dhaawaca soo gaadhay.

Juventus ayaa sidoo kale waayi doonta kulanka Man United adeega xiddigaha Sami Khedira, Leonardo Bonucci & Emre Can kuwaas oo dhaawac ku seegi doona kulanka.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska oo dhamaystiran:

Szczesny, Pinsoglio, Perin; De Sciglio, Chiellini, Benatia, Pjanic, Ronaldo, Dybala, Douglas Costa, Alex Sandro, Matuidi, Barzagli, Cuadrado, Kean, Bonucci, Cancelo, Rugani, Bentancur, Bernardeschi

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “RASMI: 3 Xiddig Oo Muhiim Ah Oo Ka Maqan Liiska Xiddigaha Juventus Ee La Ciyaari Doona Man United

Halkaan Ku Qor Fikirkaada