Liverpool Oo War Fiican Heshay Ka Hor Kulanka Red Star Ee Champions League, Muxuu Ku Saabsan Yahay?

Kooxda Liverpool ayaa war fiican heshay saacado ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda Red Star kulan ka tirsan kulanka 3-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League ee maalinta Arbacada ah.

Saxafiga ku dhaw kooxda Liverpool ee Neil Jones ayaa bogiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in uu xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ku soo laabtay tababarka maanta oo Isniin ah.

Neil Jones Ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray” Sadio Mane ayaa maanta ku soo laabtay Tababarka kadib markii uu dhaawac suulka ah ku seegay kulankii Huddersfield, waxana uu diyaar u yahay in uu ku bilowdo kulanka Red Star”.

Sadio Mane oo uu dhaawac ka soo gaadhay waajibaadka xulka qarankiisa kulamadii is reeb-reebka koobka Africa ayaa seegay kulankii sabtida ee ay kooxdiisu la ciyaartay Huddersfield.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay kooxda Liverpool guul 1/0 ah ka gaadhay kooxda Huddersfield gool uu u dhaliyay xiddigooda Mohamaed salah.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada