Kulanka Barcelona & Sevilla Ee Horyaalka La Liga Oo Khatar Ugu Jira In La Baajiyo, Maxay Tahay Sababtu?

Kulanka dhex mari doona kooxaha Sevilla iyo Barcelona ee ka dhici doona garoonka Barcelona ee Camp Nou kana tirsan todobaadka 9-aad ee horyaalka La Liga ayaa khatar ugu jira in la baajiyo sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Spain.

Idaacada COPE ayaa sheegaysa in kulanka Camp Nou ku dhex mari doona kooxaha Sevilla iyo Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay khatar ugu jirto in la baajiyo sababo la xidhiidha duufaano ku dhufan doona Barcelona saacadaha soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in ay saacadaha soo socda magaalada Barcelona ka di,i doonaan Roobab duufaano wata kuwaas oo socon doona ilaa Axada taas oo khatar ku keeni karta in la baajiyo kulanka.

Goobaha ay duufanadu ka di,i doonaan ayaa ah Catalonia,Valencia iyo magaalooyin kale oo ka mid ah dalka Spain iyada oo ay dawlada Spain u diri doonto kooxaha digniino ah in ay qaataan taxadar ay ka mid tahay in la baajiyo kulamada qaarkooda.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Kulanka Barcelona & Sevilla Ee Horyaalka La Liga Oo Khatar Ugu Jira In La Baajiyo, Maxay Tahay Sababtu?

Halkaan Ku Qor Fikirkaada