Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah Oo Indha-Indheeyayaal U Dirtay Nabil Fekir & Liverpool Oo Looga Horeeyo Tartanka Loogu Jiro Adeegiisa

Liverpool ayaa u muuqata mid lagu garaacay saxiixa xiddiga reer France ee Nabil Fekir kadib markii ay koox weyn oo reer yurub ah indha-idheeyayaal u direen si ay u daawadaan qaab ciyaareedkiisa kulamada soo socda sida ay sheegayaan wararku.

Bayern Munich ayaa hogaanka u qabatay baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda Lyon ee Nabil Fekir kadib markii ay indha-indheeyayaal u direen xiddiga reer France.

Wargayska Kicker ayaa sheegaya in ay maamulka Bayern Munich indha-indheeyayaal u direen kulanka champions League ee ay kooxda Lyon ciyaari doonto todobaadkan.

Fekir oo gool ka dhaliyay Man City kulankii ugu horeeyay ee wareega Group-yada ayaa sidoo kale caawiye ka noqday kulankii 2-aad ee ay kooxdiisu bar-baraha 2/2 ah gashay.

Si kasta ha ahaatee xiddiga reer France ayuu dhaawa soo gaadhay kulankii ay kooxda PSG 5/0 uga badisay kooxda Lyon ka hor inta ayna dhamaystiran qaab ciyaareedka xiddiga.

Bayern Munich ayaa mar kale qorshaynaysa in ay indha-indheeyayaal u diraan xiddiga kadib marklii ay kulamadii hore ee fasaxii xulalka ka hor u direen dad soo daawada qaab ciyaareedka xiddiga.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada