Iker Casillas Oo Doortay Goolhayaha Ugu Fiican Adduunka Iskana Indha Tiray David De Gea

Goolhayihii hore ee kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Iker Casillas ayaa doortay Goolhayaha Ugu fiican adduunka wakhti xaadirkan la joogo isaga oo iska indha tiray goolhayaha ay isku dalka yihiin ee David De Gea una ciyaara kooxda Man United.

Iker Casillas ayaa taageerayaashiisa uga jawaabay su,aalo ay ku waydiinayeen baraha bulshada waxana ay jawaabtii muranka badan dhalisay ahayd markii uu Goolhayaha kooxda Barcelona iyo xulka Germany ee Marc-André ter Stegen u doortay goolhaha ugu fiican adduunka.

Casillas oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Run ahaantii xaalka Goolhayayaashu wuu adag yahay wakhtigan laakiin Goolhayayaasha Marc-André ter Stegen Iyo Jan Oblak ayaa ah Goolhayayaasha ugu fiican haatan”.

De Gea ayaa ka mid ah goolhayayaasha ugu fiican adduunka waxana uu wacdaro ka dhigay kooxdiisa Man United inkasta oo uu qaab liita soo bandhigay koobkii adduunka.

Laakiin Labada Goolhaye ee uu doortay Casillas Ayaan la beenin Karin in ay ka mid yihiin goolhayayaasha ugu fiican adduunka.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Iker Casillas Oo Doortay Goolhayaha Ugu Fiican Adduunka Iskana Indha Tiray David De Gea

Halkaan Ku Qor Fikirkaada