Hordhac: Shakhtar Donetsk Vs Manchester City: Citizen Oo Doonaysa Sii Wadista Guulaha Xirirka Ah

Kooxda Man City ayaa u safri doonta garoonka Metalist Stadium halkaas oo ay kula ciyaari doonto kooxda Shakhtar Donetsk kulankii 3-aad ee wareega Group-yada ee tartanka champions League.

Man City ayaa kulanka soo galaysa iyada oo ku jirta qaab ciyaareed fiican waliba doonaysa in ay sii wado guulaha xiriirka ah ee tartamada oo dhan.

City ayaa doonaysa in ay gaadho guul ka caawisa in ay gaadho guusheedii 2-aad ee tartanka champions League kadib markii ay guul dirqi ah ka gaadheen kooxda Hoffenheim

Kulanka: Shakhtar Donetsk Vs Manchester City

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00 Habeenimo

Garoonka: Metalist Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Tani waxay noqon doontaa kulankii seddexaad ee u dhexeeyey kooxaha Shakhtar Donetsk iyo Man City, iyadoo labada kooxood ay sidoo kale Ku kulmeen wareega group-yada Champions League xilli ciyaareedkii hore.

Labada kooxood ayaa kala qaybsaday guulaha labadii kulan ee hore iyada oo Man City 2/0 ku badisay markii ay joogtay garoonkeeda Etihad halka ay Shakhtar badisay kulankii lugtii 2-aad kuna badisay 2/1.

City ayaa badisay afar ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay Champions League ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda iyadoo laga badiyay labada kale.

 

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada