Hordhac: Manchester United vs Juventus: Cristiano Ronaldo Oo Ku Soo Laaban Doona Garoonkii Lagu Bartay Ee Old Trafford

Kooxda Man United ayaa marti galin doonta kooxda Juventus kulan ka tirsan todobaadkii 3-aad ee wareega Group-yada champions League xilli ay Old Trafford dib ugu soo dhawayn doonta Cristiano Ronaldo.

Red Devils ayaa kulanka u soo galaysa iyada oo ay ka go,antahay in ay helaan 3-da dhibcood ee kulanka si ay ugu soo laabtaan wadada guulaha kadib markii ay bar-baro la galeen Valencia kulankii hore.

Dhanka kooxda Juventus oo haatanba xaqiiqsatay in ay u soo baxday wareega 16-ka ayaa doonaysa in ay xaqiiqsato in ay ku soo baxdo hogaanka Group-kooda.

Kulanka: Manchester United vs Juventus

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00 Habeenimo

Garoonka: Old Trafford

Xiddigii hore ee kooxda Juventus Paul Pogba ayaa ku lug leh dhamaan 3-da gool ee ay Man United ka dhalisay tartanka champions League ilaa haatan,isagoo dhaliyay labo gool hal gool-na caawiye ka noqday waxana ay noqon doontaa markii ugu horasay ee uu ka hor yimaado kooxdiisii hore.

United ayaa shabaqa ilaashatay labadii kulan ee Champions League xilli ciyaareedkan. Labadii jeer ee hore ee ay shabaqooda ilaashadaan 3-dii kulan ee ugu horeeyay waxay ay gaadheen finalka tartanka sanadihii 2008-09 iyo 2010-11.

Juventus ayaa laga badiyay labo kulan oo ka mid ah 23kii kulan ee ugu danbeysay ee wareega group-yada Champions League iyada oo ay labada kulanba guuldaro kala kulmeen kooxaha reer Spain.

Man United ayaa wajahday Juventus 12 jeer tartamada yurub waana in ka badan inta ay wajaheen kooxaha kale ee reer yurub tartamada yurub.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Hordhac: Manchester United vs Juventus: Cristiano Ronaldo Oo Ku Soo Laaban Doona Garoonkii Lagu Bartay Ee Old Trafford

Halkaan Ku Qor Fikirkaada