Barcelona Oo Shaacisay Go,aankeeda Ku Aadan Dib U Soo Celista Neymar

Madaxweyne ku xigeenka Kooxda Barcelona ee Jordi Cardoner ayaa ugu dambayn kala cadeeyay kana hadlay xaqiiqada warar sida weyn ula xiriirinayaa in uu Neymar ku soo laabanayo kooxda Barcelona oo ay kooxda reer Catalonia diyaar u tahay in ay dib ula soo saxiixato xiddiga reer Brazil.

Jordi Cardoner ayaa beeniyay in ay kooxda Barcelona wax niyad ah u hayso soo celista xiddiga reer Brazil ee Neymar kaas oo kaga biiray kooxda PSG xagaagii 2017.

Waxa maalmihii ugu dambeeyay soo baxay warar sheegaya in uu heshiiska Neymar ku jiro shardi u ogolaan kara in uu ku laabto kooxda Barcelona hadii uu doonayo waliba ku biiri doono xagaaga dambe.

Jordi Cardoner oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Shirarka Barcelona ma jiro cid ka hadashay soo laabashada Neymar, maanta ma ahan su,aal ay cid ka jawaabi karto sababta oo ah ma jirto cid qiimaysay”.

Neymar ayaa si weyn loola xiriirinayaa in uu ku soo laabanayo Horyaalka La Liga tan ilaa markii uu ku biirayy kooxda PSG xagaagii 2017 iyada oo lala xiriirinayay Real Madrid.

Laakiin warka ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka Barcelona ayaa farxad weyn u ah kooxda Real Madrid kuwaas oo dhankooda doonaya adeega xiddiga reer Brazil.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada