Ashley Young Oo Kooxdiisa U Sheegay Waxa Ay Tahay In Ay Samayso Si Ay U Garaacaan Juventus

Daafaca Kooxda Man United ee Ashley Young ayaa sheegay waxa ay u baahantahay kooxdiisu hadii ay doonayaan in ay guul ka gaadhaan kooxda Juventus kulanka champions League ee todobaadka 3-aad ee wareega Group-yada tartanka ka dhici doona Old Trafford habeenimoada salaasada.

Ashley Young ayaa sheegay in ay tahay in ay kooxda Man United kulanka ku bilaabato si fiican hadii ay doonayaan in ay guul ka gaadhaan kooxda Juventus kulanka habeen dambe.

33 jirkan ayaa sheegay in ay United ka faa,iidaysan doonto ku ciyaarista garoonkeeda iyo waliba in ay inta fiican ka qaataan labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaareen.

United ayaa salaasada Old Trafford kula ciyaari doonta kooxda Juventus waxana uu Ashley Young ku kalsoon yahay in ay saddexda dhibcood ku reeban doonaan Old Trafford.

“Waa in aan ku bilaabano si fiican kulanka gaar ahaan maadama aanu joogno garoonkeena”ayuu Young yidhi.

“Taas ayaa ah waxa aan samayn doono sidii aan u samaynay qaybtii dambe ee kulankii Newcastle iyo 30-kii daqiiqo ee kulankii Chelsea, hadii aan u ciyaarno qaabkaas waxa aan hubaa in aan heli doono natiijo fiican”.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada