Zidane Oo La Xariirinayo United Xilli Durba Uu Calaameystay Xiddigaha Uu Doonayo In Ay Kula Midoobaan Old Trafford.

Saxaafadda France ayaa qoreysa in loo bidnayo in macalin Zidane uu dhawan ku soo laabto saaxadda tababarnimo isaga ka soo galaya albaabka kooxda Man United .

Sidoo kale macalinkaan hore Real ayaa lala xariirinayaa kooxda PSG kuwaasi oo lagu waramay in ay wadahadallo la fureen balse sheekada United iyana waa ay xooggan tahay .

Wargeyska Le10Sport ee France ka soo baxa ayaa sheegaya in in kooxda United ay si weyn uga fikarayaan in macalin Jose ka taqalusaan kuna badalaan Zidane .

Warku waxa uu sheegayaa in Zidane uusan diidaneyn in uu United layliyo xilli maalmo ka hor u sheegay in uu dhawaan ku soo laaban doono shaqada tababarnimo , waxaana la xusayaa in haddii United uu aadayo in uu doonayo in ay la soo wareegaan xiddiga Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

Antoine Griezmann ayaa xagaagaan aad loogu badinayay in uu ka tagayo kooxdiisa xilli Barcelona uu u dhawaa kuwaas oo wadahadallo wax ku ool ah la galay .

United ayaa laacibakas in muddo isha ku haysa waxa ayna xagaagii 2017-ka la galeen wadahadallo balse ganaax dhanka suuqa oo saarnaa kooxdiisa Atletico Madrid ayaa hakad giliyay in laacibkaas ka soo huleelo Spain .

Zidane ayaa Real ka huleelay dhawaan ka dib markii sedex jeer oo xariir ah oo ku hogaamiyay qaadista koobka dhagaha weyn ee Champion-ka

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada