Xoiddiga Kooxda Liverpool Ee Sadio Mane Oo Sheegay Laba Halyeey Oo Jeclaa Yaraantiisii & Mid Ka Mid Ah Oo U Soo Ciyaaray Kooxda Liverpool.

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa shaaca ka qaaday laba halyeey oo uu ku dayan jiray markii uu yaraa ee uu doonayay in uu noqdo ciyaaryahan isaga oo mid ka mid ah halyeeyadaas horay ugu soo ciyaaray kooxda Liverpool.

Sadio Mane ayaa qirtay in xiddiga uu ku dayan jiray markii uu da,yarka ahaa uu yahay halyeeyga kooxda Liverpool sidoo kale ah halyeeyga xulka qaranka Senegal ee El-Hadji Diouf.

El-Hadji Diouf ayaa Liverpool ku soo biiray kadib markii uu wacdaro ka dhigay koobkii adduunka 2002 laakiin xiddiga ayaan qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigi kooxda Liverpool.

Xiddiga ayaa u dhaliyay Reds 6 gool 79 kulan oo uu u ciyaaray isaga oo kooxda Liverpool ugu soo biiray wakhtigaas lacag dhan 10 milyan oo euro.

Mane oo la hadlaya Bleacher Roprot ayaa yidhi” Markii aan yaraa waxa aan lahaa xiddigo badan oo aan xiiseeyo, Laakiin Ronaldinho ayaa ahaa midka aan aadka ugu xiiseeyo, si la mid ah El-Hadji Diouf, run ahaantii way i dhiiri galiyeen”.

“Labadaas xiddig ayaa tusaale ii ahaa ka ciyaaryahan ahaan, waxa ay ahaayeen xiddigo tayo leh kuwaas oo si dhib yar ku dhaafayay xiddigaha ka soo hor jeeda”.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada