XOG: Kooxda Real Madrid Oo Haatanba Rikoodh Cajiib Ah Ka Dhigtay La Liga Iyada Oo Bale & Benzema Hogaaminayaan Kooxdooda

Kooxda Real Madrid ayaa rikoodh cajiib ah ka dhigtay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan inkasta oo ay kaliya ciyaareen 3 kulan bilowga xilli ciyaareedkan.

Kooxda uu hogaamiyo tababare Julen Lopetegui ayaa noqotay kooxda ugu saamaynta badan horyaalka La Liga ilaa haatan xilli ciyaareedkan cusub.

Kooxda Los Blancos ayaa gaadha dhamaan 3-dii kulan ee ay ciyaartay horyaalka La Liga iyada oo garaacday kooxaha Getafe,Giron iyo Leganes hogaankana la haysa kooxda Barcelona inkasta oo ay goolal kaga dambayso.

Xogta ayaa muujinaysa in ay kooxda Real Madrid tahay kooxda ugu saamanta badan dhanka weerarka iyaga oo 10 gool ka dhaliyay 19 laag oo ay ku laageen kooxaha ka soo hor jeeda.

Taas oo la macno ah in kala badh laadkii ay ilaa haatan laageen gashay shabaqa kooxaha ka soo hor jeeda halka xiddigaha Gareth Bale iyo Karim Benzema yihiin xiddigaha Real Madrid u suurta galiyay arintaas.

Labada xiddig ayaa si cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedka iyaga oo dhexdooda dhaliyay 7 gool xilli 4 uu dhaliyay Benzema halka uu 3 kale dhaliyay Gareth Bale.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “XOG: Kooxda Real Madrid Oo Haatanba Rikoodh Cajiib Ah Ka Dhigtay La Liga Iyada Oo Bale & Benzema Hogaaminayaan Kooxdooda

Halkaan Ku Qor Fikirkaada