Xiddiga Khadka Dhexe Ee Kooxda Man City Ee David Silva Oo Tilmaamay 3 Kooxood Kooxdiisa Man City Kula Tartami Kara Horyaalka Premier League Iyada Oo United & Arsenal War Xun U Ah

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City David Silva ayaa tilmaamay 3 kooxood oo kooxdiisa Man city kula tartami doona horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Citizen ayaa ku bilaabatay si ka hoosaysa sidii xilli ciyaareedkii hore iyada oo durba kulan bar-baro lagu qabtay kadib markii ay bar-baro 1/1 ah ku dhaafi waday kooxda Wolves.

Kooxaha Liverpool,Chelsea iyo Watford ayaa ah kooxaha ilaa haatan helay dhibacaha kulamadii ay ciyaareen oo dhamaystiran kadib markii ay heleen 12 dhibcood.

City ayay shaki la,aan ku adkaan doontaa in ay difaacato horyaalka inkasta oo si weyn loogu saadaalinayo in ay mar kale ku guulaysato horyaalka marka taariikh ahaan loo eego in ayna jirin koox laba jeer oo xiriir ah ku guulaystay horyaalka intii loo bixiyay magaca cusub.

Xiddiga khadka dhexe ee Silva ayaa kooxaha chelsea,Liverpool iyo Tottenham ku tilmaamay kooxo Man city kula tartami kara horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Kooxaha kale way is xoojiyeen Liverpool iyo Chelsea ayaa ah kooxo adag, United ayaa u muuqata mid dhibaatoonaysa’.

Silva ayaa hadalkiisa ku soo xidhay” Waxa jirta Tottenham oo kubad fiican ciyaaraysa, waxa u malayanayaa in ay kooxahaas ku tartami karaa horyaalka xilli ciyaareedkan.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Xiddiga Khadka Dhexe Ee Kooxda Man City Ee David Silva Oo Tilmaamay 3 Kooxood Kooxdiisa Man City Kula Tartami Kara Horyaalka Premier League Iyada Oo United & Arsenal War Xun U Ah

  1. waxan idin maleyn jiray dad wax badan kayaqano coyarah hadi eysan jirin koox epl difacatay sida magaca loga badaly
    bal nosheg waqtiyada yaqaday horyalka
    man united winner
    1999
    2000
    2001
    chelsea winner
    2005
    2006

    man united
    2007
    2008
    2009
    tarikh been shegto ee iska saxo qoralka inta adan dadka lawadagin

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada