Xiddiga Khadka Dhexe Ee Kooxda Man City David Silva Oo Ka Hadlay Qorshihiisa Uu Uga Tagayo Kooxda Man City & Kooxda Uu Ku Biiri Doono Oo Uu Haatanba Shaaciyay

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee David Silva ayaa shaaca ka qaaday qorshihiisa uu uga tagayo kooxda Man city isaga oo haatanba tilmamay kooxda uu doonayo in uu ku biiro marka uu ka tago kooxda Man City.

David Silva ayaa shaaca ka qaaday rabitaankiisa ah in uu sanadihiisa ugu dambeeya ee kubada cagta ku qaato kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga ee Las Palmas.

32 jirka reer Spain ayaa 8-dii sano ee ugu dambaysay ku qaatay Etihad isaga oo waliba baal dahab ah ka galay taariikhada kooxda Man City.

Qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha Man city ayaa Silva u arka xiddiga ugu fiican ee soo maray taariikhda kooxda xilli uu kooxda la gaadhay guulo waaweyn.

Heshiiskiisa haatan ayuu ka hadhsan yahay 2 sano isaga oo kooxda sii joogi doona ilaa xagaaga 2020 isaga oo wakhtigaas noqon doona 34 jir.

Silva ayaana si cad uga hadlay in uu ka tagayo kooxda Man uu heshiiskiisu dhoco xilli uu sheegay in uu doonayo ku laabashada kooxda ka dhisan magaaladii uu ku soo koray ee Las Palmas.

Isaga oo la halaya BBC Sport Premier League ayuu yidhi” City waxa aan joogaa laba xilli ciyaareed oo kale waana inta ka hadhay heshiiskayga, intaas kadib ma garanayo waxa ay ku xidhantahay sida aan dareemo jir ahaan iyo maskax ahaan”.

“Waxa aan jecelahay in uu Wiilkayga Matteo ku koro meeshii aan ku koray”ayuu Yidhi. “Waxa aan rajayanayaa in aan fursad u helo arintaas’.

“Waxa aan mar walba odhan jiray waxa aan jecelahay in aan u ciyaaro Las Palmas, Kooxda ka dhisan magaaladayda, laakiin waan eegi doonaa sida ay arimuhu u dhacaan labadaas sano”.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada