Tababaraha Man City Ee Pep Guardiola Oo U Digay Kooxaha Doonaya Kevin De Bruyne Sidoo Kale Shaaca Ka Qaaday Qiimaha Lagu Bur-Burin Karo Heshiiskiisa

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa kooxaha doonaya xiddigiisa ugu fiican kooxda ee Kevin De Bruyne isaga oo u sheegay qiimaha kaliya ee ay kooxda Man City ku fasixi doonto xiddiga iyo waliba lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Tababaraha Man city ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska cusub ee xiddiga Kevin De Bruyne lagu bur-burin karo lacag dhan 250 milyan oo euro.

Kubad sameeyaha ayaa ka mid ah xiddigaha furaha u ah kooxda Citizen isaga oo kooxdiisa ka caawiyay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga oo dhaawacan xun uga maqan kooxdiisa ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo 6 sano ah oo uu ku sii joogi doono kooxda ku guulaystay premier League.

Guardila oo xiddiga ka caawiyay in uu ka mid noqdo xiddigaha ugu fiican ee khadka dhexe wakhti xaadirkan ayaa sheegay in uuna xiddigu iib ahayn.

” Waa xiddig aad u fiican waa xiddig tayo leh”ayuu Guardiola u sheegay Universo Valdano.

“Tababaraha Leeds United ee Marcelo Beilsa ayaa ii sheegay in uu ahaa xiddigii uu ugu jeclaa waxa uu qabto”.

“Waa Wii cajiib ah, waxan heshiiskiisa lagu bur-burin karaa lacag dhan 250 Milyan oo euro laakiin waan ka xumahay iib ma ahan”.

De Buryne ayaa ciyaaray kaliya 30 daqiiqo xilli ciyaareedkan kulankii Arsenal laakiin dhaawac ku seegay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee kooxdiisa Man city.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada