Sheeko Cusub: Xiddigaha Mohamed Salah & Georginio Wijnaldum Oo Aan Ahayn Dookhii 1-aad Ee Jurgen Klopp & Wargayska Liverpool Echo Oo Kashifay Labadii Xiddig Ee Uu Tababaruhu Doonayay

Tabababraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp iyo kooxdiisa ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawaatay in ayna la soo saxiixan xiddigaha Mohamed Salah & Georginio Wijnaldum sida ay sheegayaan wararku.

Jurgen Klopp ayay kooxdiisu ilaa haatan gaadhay guul dhamaan kulamadii ay ciyaartay iyada oo heshay 12-kii dhibcood ee laga helayayy 4-ta kulan ee ay ilaa haatan ciyaareed horyaalka.

Salah ayaa ku bilowday si cajiib ah isaga oo dhaliyay 2 gool 4-tii gool ee uu ciyaaray halka uu sidoo kale Wijnaldum boqor ka noqday khadka dhexe ee kooxda Liverpool.

Wijnaldum ayaa Reds kaga soo biiray kooxda Newcastle sanadkii 2016 halka uu Salah 2 sano ka hor kaga soo biiray Reds kooxda Roma.

Laakiin Wargayska ka soo baxa magaalada Liverpool ee Liverpool Echo ayaa sheegay in ayna Labada xiddig ahayn dookhii 1-aad ee Jurgen Klopp.

Klopp ayaa doonayay in uu la soo saxiixdo xiddiga Piotr Zielinski oo sanadkaas qaab ciyaareed cajiib ah la qaadanayay kooxda Udinese laakiin Liverpool ayaa u dhaqaaqday Wiljandlum kadib markii ay ku adkaatay in ay hesho adeegiisa.

Dhanka kale Klopp ayaa doonayay xiddiga reer Germany ee Julian Brandt una ciyaara kooxda Bayer Leverkuson laakiin Reds ayaa u dhaqaaqday Salah kadib markii uu xiddigu iman waayay Liverpool.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada