Saddex Su,aalood Oo Uu Kaga Jawaabi Doono Kulanka Real Sociedad Vs Barcelona Ee Horyaalka La Liga

Garoonka Estadio Municipal de Anoeta ayaa marti galin doona kulanka ay kooxda Barcelona martida u noqon doonto kooxda Real Sociedad ee ka tirsan horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa isha ku haysa in ayy gaadho guusheedii 2-aad oo xiriir ah oo garoonka Estadio Municipal de Anoeta markii ugu horaysay in ka badan 12 sano iyo waliba in ay la fogaato hogaanka horyaalka.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 3 su,aalood oo uu ka jawaabi doono kulanka ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Real Socieda.

1.Goorma ayaa ugu Dambaysay Oo Ay Barcelona laba guuldoo oo xiriir ah ka gaadhay garoonka Estadio Municipal de Anoeta?

Guushii ay kooxda Barcelona ka gaadhay garoonka Real Sociedad ee Estadio Municipal de Anoeta ayaa ahaa midkii ugu horeeyay tan ilaa 2007 tan ilaa wakhtigaasna wax guul ah kamay gaarin 7 kulan oo xiriir ah oo ay ku ciyaartay.

Markii ugu dambaysay ee ay laba guulood oo xiriir ah ka gaadhay garoonkaas ayaa ahayd kulan horyaalka ah oo dhacay sanadihii 2006 iyo 2007 waxana ay ku badisay min hal gool iyo waxba.

2.Goorma ayaa ugu dambaysay kooxda Barcelona Oo Guuldaro la kulantay iyada oo ku ciyaaraysa meel ka baxsan garoonkeeda horyaalka?.

Arintii ugu muhiimsanayd ee kooxda Barcelona ka caawisay hanashada horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore ayaa ahayd guulihii iyo dhibcihii ay ka heshay meel ka baxsan garoonkeeda.

Barcelona ayaa kaliya hal guuldaro oo kaliya la kulantay 20-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga ay ku ciyaarto meel ka baxsan garoonkeeda waxana uu ahaa kulankii Levante oo ay guuldaro 4/5 ah kala kulmeen kadib markii hanatay horyaalka.

3.Waa Maxay Rikoodhka ay xiddigaha Lionel Messi iyo Luis Suarez ku leeyihiin Kulanka Real Sociedad?

Lionel Messi ayaa ka dhaliyay 13 gool 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga halka uu xiddiga reer Argentine 11 gool ka dhaliyay 13-kii kulan ee uu ka hor tagay kooxda Real Sociedad tartanka horyaalka.

Luis Suarez ayaa ka hor tagay kooxda Real Sociedad 7 kulan waxa uu ka dhaliyay 7 gool halka uu sidoo kale caawiye ka noqday 4 gool oo kale.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada