RASMI: Tababaraha Kooxda Barcelona Ee Ernesto Valverde Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Kooxda Real Sociedad & Laba Xiddig Oo Laga Dhex Waayay

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Real Sociedad kulan ka tirsan todobaadkii 4-aad ee horyaalka La Liga.

Liiska ayaa lagu arkay soo laabashada xiddiga Rafinho iyo maqnaashaha xiddigaha cusub ee Arthur iyo Malcom kuwaas oo aan diyaar u ahayn in ay u ciyaaraan kooxda kadib dhaawac soo gaadhay bishan.

Arthur ayaa tababarka u qaatay si caadi ah laakiin qaatay kaligiisa halka uu Malcom sugayo ogolaansho caafimaad oo ay waaxda caafimaadku u siiyaan si uu tababarka ugu soo laabto.

Laakiin Valverde ayaa ku farxay ka soo muuqashada Liiska ee Arturo Vidal kaas oo looga shakisnaa dhaawac ka soo gaadhay xulka qarankiisa Chile kulamadii saaxiibtinimooyinka.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska uu tababaruhu u soo xushay kulanka Sociedad:

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada