Raheem Sterling Iyo Man City Oo Hal Arin Isku Waafaqi Weysan Si Hishiis Cusub Qalinka Loogu Duugo.

Raheem Sterling ayaa shuruud ku xiray hishiiska cusub ee ay hor dhigtay kooxdiisa Man City , waxa uuna maamulka kooxda uu u soo jeediyay in ay shaaciyaan qiimaha ay u ogol yihiin ka hor inta uusan ogalaan arintaas .

Laacibkaas hore Liverpool ayaa Man City u jooga tan sanadkii 2015-ka , waxa uuna haatan ka mid yahay xiddigaha ugu muhiim kooxdaas hantiilayaasha .

Wargeyska Mirror ayaa sheegaya in maamulka City ay ka go`an tahay in laacibkaas 23 sano jirka ah ay sii haystaan , waxaana taladaas soo jeedinaya macalin Pep .

Warku waxa uu intaas ku darayaa in Raheem uu maamulka City u sheegay in uu doonayo mushaar todobaadkii gaaraya 175 kun oo gini si uu qalinka ugu duugo hishiiskaas cusub .

Laacibkaas reer Ingiriis ayaa haatan City ka qaata todobaadkii mushaar gaaraya 100 kun oo gini waana mid uusan ku qanacsaneyn Raheem .

Raheem ayaa doonaya in uu la mid noqdo xiddiga kale City ee Kevin De Bruyne kaasi oo 175 kun oo gini qaata asbuucii balse City waxa ku jira labalabeys, waxa ayan City doonayaan in ay laacibkaas ka saxiixdan hishiis gaaray ilaa iyo xagaaga 2020-ka

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Raheem Sterling Iyo Man City Oo Hal Arin Isku Waafaqi Weysan Si Hishiis Cusub Qalinka Loogu Duugo.

  1. War warkan halkad kaso qadatan dadka beenta iyo khuraafadka ka daaya sterling wuxu mushahar ahan uqaata 180kun o gini wuxuna rapa in loogu daro 100kun de bruyne isna 280kun ayu qata page dhan ayad dad wax ugu so bandhigaysan ee warka iska saxa

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada