Muuqaal Cajiib Ah: Daawo Qaabkii Cajiibka Ahaa Ee Ay Arsenal U Dhistay Goolkii 2-aad Ee Ka Dhalisay Chelsea Horyaalka Xilli Ciyaareedkan, Imisa Xiddig Ayaa Taabtay Kubada Ka Hor Inta Uuna Goolku Dhalan?

Saamaynta tababare Unai Emery ee kooxda Arsenal ayaa inyar-inyar uga soo muuqanaysa kooxda Arsenal iyada oo qayb ka mid ah la arkay kulankii ay Arsenal guuldarada 3/2 ah kala kulantay kooxda Chelsea.

Inkasta oo ay Gunners guuldaro kala kulantay kulankii ugu horeeyay ee ay xilli ciyaareedkan la ciyaarto kooxda ay ku xafiiltamaan magaalada London hadana Gunners ayaa wax cajiib ah ka samaysay kulankaas.

Ka Hor intii uuna Iwobi dhalin goolka 2-aad ee Gunners 19 baas ayay xiddigaha Arsenal isku soo dhiibeen taas oo noqotay mid cajiib ah oo aad loola dhacay Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada