Maurizio Sarri Oo Saadaaliyay Kooxda Man City Xilli Ciyaareedkaan Kula Loolami Karta Horyaalka Ingiriiska”.

Tababaraha Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa doortay kooxda ay u badan tahay in Man City xilli ciyaareedkaan kula loolamaan horyaalka Ingiriiska .

Maurizio Sarri ayaa mar la weydiiyay kooxaha u sharaxan in xilli ciyaareedkaan ay qaadaan horyaalka Ingiriiska ayuu yiri ” xilligaan la joogo waxaan dhihi karaa Man City iyo Liverpool”.

” Kooxdeyda Chelsea waxa ay u baahan tahay talaabo kale oo ay qaadaan si loolanka u soo galaan , waana filayaa arintaas balse waxaan rajeynayaa in aysan dhicin in aan loollan adag u marno horyaalka”.

” Xilli ciyaareedkii hore dhibco aad u sareeya ayaan ka hooseysanay kooxda horyaalka qaaday ee City balse waxaan rajeynayaa in sanadkaan aysan dhicn sidaas” ayuu sii raaciyay Maurizio Sarri .

Horyaalka ingiriiska oo haatan dhowr kullan laga ciyaaray ayaa waxa hogaanka qeybsaday Chelsea , Liverpool iyo Watford oo min 12 dhibic leh balse ku kala sareeya dhanka goolasha halka City ay leeyihiin 10 dhibic waxa ayna ku jiraan booska 4-aad

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada