Luka Modric Oo Wali Doonaya In Uu Ku Biiro Inter Milan & Hal Shardi Oo Ka Xiga Ku Biiristiisa

Mustaqbalka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa wali u kala dhexeeya laba meel kadib markii si weyn loola xiriiriyay in uu ka tagayo kooxda Real Madrid kuna biiro kooxda Inter Milan suuqii xagaaga.

Wargayska Sport ayaa shaaca ka qaaday in Luka Modric uu wali si aad ah u doonayo in uu ka tago kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa January kadib markii uu ku fashilmay in uu xagaagii hore ka tago kooxda sababo la xiriira in ay Real Madrid didiay wadahadalo ay la gasho.

Wargayska reer Spain ayaa sheegaya In uu Modric ku xidhay Inter Miln u soo biixista wareegyada Bug baxa tartanka champions League xilli ciyaareedkan si uu ugu biiro.

Xiddiga Luka Modric ayaa doonaya in uu Inter Milan kula midoobo xiddigaha ay isku xulka yihiin ee Perisic iyo kuwa kale ee u ciyaara kooxda Inter Milan.

Kooxda Real Madrid ayaa dacwad ka gudbisay kooxda Inter Milan kadib markii ay xiddiga la xidhiidhay iyaga oo aan ogolaansho ka haynsan maamulka kooxdiisa.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada