Lionel Messi Oo Ku Soo Laaban Doona Xulka Argentine & Suadi Arbaia Oo Lagu Qaban Doono Tartan Ay Isaga Hor Iman Doonaan Brazil & Argentine

Xiddiga xulka qaranka Argentine ahna kabtnkooda ee Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu ku soo laaban doono xulka qarankiisa Argentine kadib markii uu seegay kulamadii bishan uu ciyaaray xulkiisu ee saaxiibtinimooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in uu Lionel Messi ku soo laaban doono xulkiisa isaga oo ka qayb qaadan doona tartan yar oo ay 4 xul ka qayb qaadan doonaan oo ka dhici doona dalka Suadi Arabia bisha dambe ee October.

Xiriirka kubada cagta Suadi Arabia ayaa xaqiijiyay in ay qaban doonaan tartan ay ka qayb gali doonaan 4 xul oo kala ah Suadi Arabia,Brazil,Argentine iyo xul aan wali la shaacin.

Wargayska mundoalbiceleste ayaa sheegaya in xulka Argentine ay soo wada qaadan doonaan dhamaan xiddigaha ugu waaweyn kooxda ee ay ugu horeeyaan xiddigaha Sergio Aguero,Lionel Messi Angel Di Maria iyo xiddigo kale.

Xulka Argentine ayaa la ciyaari doona dhamaan 3-da xul ee ka qayb qaadan doona tartanka bisha October xilli uu Lionel Messi dib ugu soo laaban doono xulkiisa.

Kulamadaas ayaa noqon doona kuwii ugu horeeyay ee uu xiddigu u ciyaaro xulkiisa kadib niyad jabkii koobkii adduunka Ee Russia 2018 kuna fashilmeen in ay meel fiican ka gaadhaan.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada