Kooxda Liverpool Oo War Fiican Heshay Ka Hor Kulanka Tottenham Iyada Oo Tottenham Xaqiijisay In Ay Kulankaas Seegi Doonaan 4 Xiddig Oo Kooxdeeda Ah

Kooxda Tottenham ayaa xaqiijisay in ay wayday adeega 4 xiddig oo ka mid ah kooxdeeda ka hor kulanka adag ee ay sabtida la ciyaari doonaan kooxda Liverpool kulan ka dhici doona garoonka Wembley kana tirsan horyaalka premier League todobaadkiisii 5-aad.

Tottenham ayaa Liverpool ku marti galin doonta Wemberly kulan ay labada kooxoodba isha ku hayaan sidii ay u heli lahaayeen 3-da dhibcood ee kulanka yaala.

Sida ay kooxda Tottenham ku xaqiijisay bogeeda Twitter-ka Kooxda ayaa waayi doonta adeega xiddiga khadka dhexe ee Dele Alli kaas oo uu soo gaadhay dhaawac muruqa ah.

Si la mid ah Tottenham ayaa waayi doonta Goolhaye Hugo Lloris oo uu dhaawac bawdada ah soo gaadhay waliba garoomada ka maqnaan doona muddo todobaadyo ah.

Labada xiddig ee kale oo isla dhaawac muruqa iyo bawdada ah soo gadhay seegina doona kulanka ayaa kala ah da,yarka Juan Foyth iyo xiddiga Moussa Sissoko.

Warkan ayaa ah mid u fiican kooxda Liverpool oo si weyn u doonaysa in ay kulankaas guul ka gaadho si ay u soo wado kualamada ay guulaha ka gaadhayso premier League.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada