Kooxda Barcelona Oo Dhigeeda Atletico Madrid Ugala Soo Wareegaysa Xiddig Qaabkii Ay Ugala Wareegtay David Villa

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa xiddig khadka dhexe ah oo ay ku buuxiso booskii uu baneeyay xiddiga Andres Iniesta oo ka tagay kooxda suuqii xagaaga ee la soo dhaafay.

Iniesta ayaa ka tagay kooxda Barcelona isaga oo soo afjaray muddo 17 sano ah oo uu u ciyaarayay kooxda Barcelona isaga oo ku biiray koox ka ciyaarta horyaalka japan.

Sida laga soo xigtay Wargayska Mundo Deportivo kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Saúl Ñíguez Si ay ugu buuxiso booskii uu baneeyay halyeeygeedu.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona horay isugu dayday in ay la soo saxiixato xiddiga Saúl Ñíguez laakiin ay kooxda Atletico Madrid diiday heshiis cusubna ka saxiixatay.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay leedahay heshiis iyadu ay ku helayso xiddiga hadii ay Atletico Madrid go,aansato in ay iibiso xiddiga wakhtiga soo socda sidii ay Barcelona ugala wareegtay xiddiga David Villa.

Wargayska ayaa sheegaya in hadii ay Atletico Madrid go,aansato in ay xiddiga iibiso in ay ugu horayn ogaysiin doonto kooxda Barcelona hadii ay doonayso adeegiisa iyada oo heli doonta xiddiga hadii ay miiska saarto qiimaha ay kooxda kale ku doonayso.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada