Halyeeyga Kooxda Juventus Andrea Pirlo Oo Dabka Ku Sii Shiday Mustaqbalka Aan Cagaha Dhulka Ku Hayn Ee Xiddiga Man United Ee Paul Pogba, Maxaa Soo Kordhay?

Xiddigii hore ee kooxda Juventus ee Andrea Pirlo ayaa dabka ku sii shiday mustaqbalka xiddiga aan cagaha dhulka ku hayn ee Paul Pogba kaas oo si weyn loola xiriirinayo in uu ka tagayo kooxda Man United bilhii ugu dambeeyay.

Andrea Pirlo ayaa qirtay in uuna la yaabayn hadii uu Paul Pogba ka tago kooxda Man United kuna laabto kooxda Juventus marka la gaaro suuqa kala iibsiga ciyaartooyada.

Pogba ayaa lala xiriirinayay kooxda Barcelona suuqii Xagaaga waxana la sheegayaa in uu doonayo in uu isaga tago Red Devils kadib 2 xilli ciyaareed oo uu soo joogay United.

Xiddiga reer France ayaa United kaga soo biiray Juventus 4 sano kadib markii ay Unite si xor ah uga iibisay kooxda Juventus isaga oo da,yar ah.

Pirlo iyo Pogba ayaa iska soo garab ciyaaray wakhtigii ay wada joogeen Juventus xilli uu halyeeyga reer Italy kula taliyay xiddiga in uu dib ugu soo laabto Juventus.

“Miyaan la yaabi doonaa?” ayuu u sheegay Tuttosport.

“Maya Lama yaabi doono hadii aan Paul mar kale ku arko kooxda Juventus”.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada