“Hadii Uuna Lionel Messi Ahayn Midka Ugu Fiican Adduunka, Shaki La,aan Luka Modric Ayaa Ah”:- Xiddiga Kooxda Barcelona Ee Ivan Rakitic Oo Wali Sii Wada Ku Digashada Cristiano Ronaldo

Sanadka 2018 ayaa ah mid uu xasuusnaan doono xiddiga kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic iyo xiddiga ay isku xulka yihiin ee Luka Modric kaas oo uu aaminsan yahay in uu ku guulaysan doono abaalmarin kasta oo shaqsi ah oo uuna Lionel Messi ku guulaysan.

Xiddiga kooxda Barcelona ayaa ka hadlay abaalmarinaha shaqsiga ah ee sanadkan oo uu mid ka mid ah haatanba ku guulaystay xiddiga ay isku xulka yihiin ee Modric.

“Hadii ay jirto abaalmarin shaqsi ah oo uuna Lionel Messi ku guulaysan karin, kadib shaki la,aan waa xilli ciyaareedkan waana in uu ku guulaysto Luka Modric”ayuu u sheegay wargayska MARCA.

“Igama yaabinayso hadii uu abaalarinta ku qaado cadad badan”.

“Sanadkan waxa uu ahaa mid aan run ahaantii ku faraxsanahay isaga”.

“Hadii uuna Messi ahayn midka ugu fiican kadib waa in uu Noqod Modric”.

Luka Modric ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican yurub kadib markii uu ku garaacay xiddigaha Mohamed Salah iyo Cristiano Ronaldo oo kula tartamayay.

Xiddiga reer Croatia ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah isaga oo ku guulaystay champions League sidoo kale xulkiisa ku hogaamiyay finalkii koobkii adduunka.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada