Dib U Eegid: Xiddiga Khadka Dhexe Ee Kooxda Chelsea Jorginho Oo Boodhka Ka Jafay Rikoodh 14 Sano Aan Loo Dhawaan Inkasta Oo Ay Kooxdiisu Bar-Baro Ku Dhaafi Wayday West Ham

Kooxda chelsea ayaa bar-baro goolal la,aan ah ku dhaafi wayday kooxda reer London ee West Ham Kulan ka dhacay garoonka London Stadium kana tirsanaa todobaadkii 6-aad ee horyaalka premier League.

Blues ayaa ku biirtay kooxaha lumiyay dhibaha premier League kadib markii ay kaliya hal dhibic kala soo baxday garoonka London Stadium kadib bar-baro 0/0 ah oo ay ku dhaafi wayday West Ham.

Inkasta oo ay Chelsea bar-baro la kulantay 2 dhibcoodna lumisay xiddiga khadka dhexe ee Jorginho ayaa kulanka kala baxay rikoodh aan la taaban tan ilaa 2003/2004 oo premier League ah.

Xiddiga khadka dhexe ee Kooxda chelsea Jorginho ayaa isku dayay 180 kulankii West Ham waana rikoodh aan la dhigin tan ilaa xilli ciyaareedkii 2003/2004 kulan premier League.

Jorginho ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee isku dayay 180 baas kulan kaliya tan ilaa 2003/2004 markaas oo ahayd markii ugu dambaysay ee uu xiddig kaliya sidaas sameeyo kulan kaliya.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay kooxda chelsea u dhaadhacday kaalinta 3-aad iyada oo goolal ka dambaysa kooxda Kaalinta 2-aad ee Man City kuwaas oo la dhibco ah chelsea.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada