DAAWO | X-X Q=19aad-Maxey Tahay Xiriirka sirta ah eeka dhaxeeyey Arsenal & Osama Bin Laden & Qadaafi !

Kulanti wacan oo wanaagsan daawaydaasheena qiimaha & qadarinta inaga mudan waxaad kusoo dhawaataan xalqadii 19aad ee Xubinta Xaqiiqooyinka xidigaha.

Xubintan oo aad si toos ah ugala socaneysaan Bogeena ayaa maanta waxaanu ku eegi doonaa Xalqada 19aad.

Maantana waxaan ku eegi doonaa Masiibooyinka dhaca Markasta oo uu gool dhaliyo Wiilka reer Arsenal Aron Ramsey.

Usama Bin laden, Steve Job,  Wetry husten, Maxaa ka dhexeyey Shaqsiyaadkaasi, Majirin wax kulmiyey marka laga tago iney sababo kala duwan ugeeriyoodeen lkn kudar Magaca Laacibka Aron Ramsey Shaqsiyaadkaasi, Sheekada waa kuu cadaan doontaa, midkasta waxa uu geeriyooday Markii uu gool dhaliyey Laacibka qadka dhexe ee Kooxda Arsenal, Mana cada iney tahay dhacdo Iskeed isugu soo aada ama inkale.

Lkn waxaa hubaal ah Markasta uu welesiyankan uu gool udhaliyo Naadiga Mafaadiicda ama Xulka Qarankiisa  inta badan waxaa ku xirma dhacdo masibo ah oo keentay geerida mid kamid ah shaqsiyaadka caanka ah maalintaasi ama Malinka xigta, ama ma laba ama sadex kadib.

Muuqaalkan waxaan idinku soo gudbin doonaa Shaqsiyaadkii ugu weynaa ee kubaxay Tan  bilowgii waxa loogu yeero Lacnada Goolasha Aron Ramsey..

Lacnada Welesiyanku waxey ficil sudfa ahaa oo isku badalay Saadaal xun taasoo dadka ka yeeshay iney isweydiiyaan Yaa dhiman doona kadib gool kasta uu dhaliyo Aron Ramsey, Waxaana ay isu raaceen Jaraa’idka ugu waaweyn caalamka sanadihii lasoo dhaafay ilaa manta hal cinwaan kaliya Markasta uu gool dhaliyo & Munaasabad kasta oo ah “Lacnada Aron Ramsey waa siisocotaa”.

Waxkasta waxa ay bilowdeen 9 sano kahor gaar ahaan bishii Octtober sanadkii 2009 kii markii uu Aron Ramsey Gool ka dhaliyey  shabaqa Xulka Lichtenstien, laba maalin kadib waxaa la shaaciyey inuu geeriyooday Wariyaha reer Spain ee Sportiga Andre Montez waliba si lama Filaan ah.

1 Bishii May 2011  Wiilka reer Wales  ayaa gool ka dhaliyey shabaqa Manchester United isagoo uciyaarayey Gunners Arsenal, Maalintii Xigtayna waxaa ladilay Usama Binladen Hogaamiyihii ururka Al Qaacida, iyadoo isla sanadkaasi uu geeriyooday Steve Jobs aasaasihii Shirkadda Caanka ee Apple 3 Maalin kadib markii Aron Ramsey uu gool ka dhaliyey shabaqa Kooxda tottenham 2-dii Bishii October.

19-kii October Welisiyanku waxa uu gool ka dhaliyey Shabaqa marselie Koobka Champions League inta Maalintii Xigtay aan la shaacin dilka Hogaamiyihii dalka Liibiya Mucamar Al Qadaafi, Halka Goolkale uu saxiixay 11-kii Febraury 2012 isagoo ka horjeeday Sunderland, isla maalintaasi waxaa geeriyootay Gabadha Heesaaga caanka ah ee reer Mareykan ee Whitney Huesten.

Waxaa Timid Maalinkii 14-September 2013 oo la shaaciyey geerida feeryahankii reer mareykan Ken Northon kadib Markii Ramsey 2gool ka dhaliyey Sunderland Maalintaasi.

Markale ayey soo laabatay 30 November 2013 kadib markii Ramsey uu gool dhaliyey Cardef City Saacado kadibna waxaa geeriyooday Jilaaga caanka ah Pow Worker Shil gaari uu galay aawadeed, 10 August 2014 Ramsey ayaa gool udhaliyey Arsenal  kulankii ayka horjeeday Manchester City, Maalinkii xigtay waxaa la shaaciyey inuu geeriyooday  Jilaagii reer Mareykan Roben Williams, Markale ayey Masiibada Ramsey soo laabtay 9 Janaayo 2016 markii uu gool ka dhaliyey Kooxda Sunderland, Maalinkii Xigtayna waxaa geeriyooday Fanaankii reer Briten David Boy, 13-kii isla Bishaasi Ramsey waxaa usuuragashay inuu gool ka dhaliyo Liverpool  kahor inta aan la shaacin geerida Jilaagii England Alan Rikman Maalinkii xigtay., Waxaana kudarsoontay Liiska Ramsey Nancy Ragen Xaaskii Madaxweynihii hore ee Mareykan  ka kadib Xanuun ka haleelay Wadnaha Maalin kadib Goolkii Ramsey uu ka dhaliyey Shabaqa Kooxda Tottenham Hospur 5tii Bishii Marso 2016.

Kii ugu dambeeyey eek u dhibaatooday Goolasha Aron Ramsey Waxa uu ahaa Jilaagii reer Mreykan Pertly Remos kaasoo ugeeriyooday xanuun ka haleelay wadnaha 6dii Bishan Semptember ee Socota & Muwaadinka Mac Miller Fanaankii Rapka ee Caanka ahaa kaasoo geeriyooday 7da bisha Nafteeda kadib markii uu gool ka dhaliyey shabaqa Xulka Irishka kulankii ay Wales Wajaheen Kulamadii katirsanaa Koobka Horyaalka Qaramada Yurubka ee dhacay 6dii Bishan.

Gabagabada Muuqaalka waxaa Hubaal ah in Hadaan nahay Umad Muslim ah aan Rumeyno in geeridu ay tahay wax xaq ah oo xaga eebe ka sugnaaday shakina kuma jiro in Qadaa ulaahi waqadarih ay tahay, lkn Dhacdooyinka ka hareer dhaca Xidiga Arsenal ayaa ay tahay tii ugu layaabka badneyd ee Nooceeda kubadda cagta lagu arko, waxaana hadal heyn badan ka dhaliyey warbaahinta & Baraha Bulshada sanadihii tagay, Sidee u aragtaan saaxiibayaal arinkaasi Fekerkiina noogu reeba Muuqaalka hoostiisa, Miyey Mudantahay in loogu yeero Magaca sida weyn warbaahinta u hadal heyso ee  Lacanadii Ramsey.

Waxaa Falanqeynaya C/qaadir Qeyska 

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Post Comment