Daafacii Hore Ee Arsenal Willian Gallas Oo Kashifay Wax La Yaab Leh Oo Uu Dareemi Jiray Daafacii Hore Ee Kooxda Arsenal Ee Philippe Sanderos Marka Uu Ka Hor Imanaya Weeraryahankii Hore Ee Chelsea Didier Drogba.

Kabtankii hore ee kooxda Arsenal Willian Gallas ayaa shaaca ka qaaday wax la yaab leh oo uu dareemi jiray daafacii hore ee kooxda Arsenal Philippe Sanderos ka hor inta uuna ka hor tagin weeraryahankii hore ee kooxda chelsea Didier Drogba.

Willian Gallas ayaa shaaca ka qaaday in daafacii hore ee kooxda Arsenal ee Philippe Sanderos dareemi jiray argagax ka hor inta uuna ka hor iman weeraryahankii hore ee kooxda chelsea Didier Drogba.

Labada xiddig ayaa lamaane ku ahaa daafaca kooxda Arsenal wakhtigaas xilli ay Gunners ku fashilantay in ay koobab ku guulaysato inkasta oo ay kooxda ku haysteen xiddigaha Cesc Fabregas, Robin van Persie & Emmanuel Adebayor.

Gaar ahaan kooxdaas Arsenal ayaa ku dhibaatootay kooxda chelsea gaar ahaan weeraryahankeedii Didier Drogba Kaas oo ka dhaliyay 13 gool 15 kulan oo uu tartamada oo dhan ka hor tagay Arsenal.

“Waxa aan ogaa Philippe Sanderos ka hor kulanka waxa uu u baahan jiray in uu in badan hadlo, waxa aad arkaysay in uu dhididayo”ayuu u sheegay Gallas RMC.

“Gaar ahaan marka uu ka hor imanayo xiddigo gaar ah, waxa aan arkay marka aan la ciyaarayno chelsea iyo Didier Drogba, markaas oo uu argagax dareemi jira xitaa isaga oo aan ciyaarta galin”.

“Nasiib xumo marka uu galo garoonka waxa uu lumin jiray awoodiisa ciyaareed, si fiican umuu ciyaari jirin laakiin marka uu saaxiibadiisa la tababaranayo waxa uu ahaa mid si fiican u ciyaara”.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada