Daafaca Kooxda Inter Milan Ee Milan Škriniar Oo Sheegay In Uuna Cristiano Ronaldo Ahayn Xiddiga Ugu Fiican Adduunka Wakhti Xaadirkan, Sidoo Kale Sheegay Xiddiga Ugu Fiican, Mana Ahan Lionel Mess

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Milan Škriniar ayaa tilmaamay in uuna Cristiano Ronaldo ahayn xiddiga ugu fiican adduunka iyo waliba midkii ugu adkaa ee uu wajahay intii uu ciyaarayay kubada cagta.

Inkasta oo uu qirtay in imaashaha Ronaldo ee horyaalka Serie A-da ay u fiican tahay horyaalka dalkaasi hadana Škriniar ayaa aaminsan in uuna ahayn xiddigii ugu fiicnaa ee uu wajahay.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi”Waxa aan ka hor tagay kulan saaxiibtinimo oo xulka qaranka ah sanadkii 2014 ka hor koobkii adduunka, waxa uu dhaliyay gool koorne ah laakiin uma malaynayo in uu yahay weeraryahankii ugu fiicnaa ee aan wajahay, Klyain Mbappe ayaa ah xiddigii ugu fiicnaa ee aan ka hor tahay haatan la odhan karo waa xiddiga ugu fiican adduuunka”.

Cristiano Ronaldo ayaa wali ku dhibaatoonaya in uu wax gool ah dhaliyo horyaalka Serie A-da isaga oo gool la,aan baxay 3-dii kulan ee uu ciyaaray horyaalka ilaa haatan.

33 jirkan ayaa haatan isku diyaarinaya kulankiisii 4-aad ee horyaalka Serie A-da isaga oo ciyaari doona kulanka ay kooxdiisa Juventus la ciyaari doonto kooxda Sassoulo kulan ka tirsan todobaadkii 4-aad ee horyaalka Serie A-da.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Daafaca Kooxda Inter Milan Ee Milan Škriniar Oo Sheegay In Uuna Cristiano Ronaldo Ahayn Xiddiga Ugu Fiican Adduunka Wakhti Xaadirkan, Sidoo Kale Sheegay Xiddiga Ugu Fiican, Mana Ahan Lionel Mess

Halkaan Ku Qor Fikirkaada