Xulka Croatia Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaaray Xulka England Iskana Xaadiyay Finalka Koobka Adduunka, France Ayuu Balansaday

Kulan xiiso leh ayaa dhex maray xulalka England iyo Croatia kana tirsanaa semi-finalka koobka adduunka Russia 2018 kana dhacay garoonka Luzhniki Stadium.

Xulka Qaranka England ayaa si dar-dar leh ku bilowday kulanka iyaga oo qaadayay weeraro deg-deg ah oo ay doonayeen in ay Croatia kaga naxsadaan goolalna kaga dhaliyaan.

Croatia vs England LIVE score and updates - World Cup 2018 semi-final

 

Midaas ayaa xulka England u suurta gashay iyaga oo daqiiqadii 5-aad dhaliyay gool qurux badan oo laad xor ah oo uu u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Kieran Trippier kaas oo xulkiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta.

Xulka Croatia ayaa isagu qaybtii hore ahaa mid qaab ciyaareed xun jiray iyaga oo aan samayn fursado badan kuwa ay sameeyaana aan ka faa,iidaysanayn.

Dhanka kale xulka England ayaa dhawr jeer ku dhawaaday in ay dhaliyaan goolal kale iyaga oo qaadayay weeraro rogaaal celis ah oo halis galiyay goolka xulka Croatia.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka England ku hogaaminayo 1/0 halka xulka Croatia uu soo bandhigay qaab ciyaareedkii ugu liitay ee ilaa haatan tartanka.

Qaybtii dambe ayuu xulka Croatia ku soo galay qaab ciyaareed dhaama midkii qaybtii hore iyaga oo weeraro ku qaadayay xulka England kuna raad joogay sidii ay u keeni lahaayeen goolka bar-baraha.

England ayaa dhnakooda daafaca galay si ay u badbaadiyaan goolka ay ku hogaaminayaan ciyaarta una ilaashadaan goolkooda.

Kadib weeraro is daba joog ah xulka Croatia ayaa helay goolka bar-baraha iyaga oo uu daqiiqadii 68-aad u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Ivan Perisic kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.
Labada xul ayaa wixii intaas ka dambeeya isku dayay in ay ilaashadaan goolkooda sidoo kale qaadaan weeraro isku dheeli tiran oo labada dhinac ah.

Waxa bar-baro 1/1 ah ku dhamaatay 90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu tala galay waxana uu garsooruhu ku daray ciyaarta 30 daqiiqo si loogu kala boxo.

Labada xul ayaa u muuqday qaar doonayay in ay ku kala baxaan rikoodhayaal sida ay u ciyaarayeen iyaga oo daafac ku jiray kubadana baas-baas wakhtiga ku ridayay.

Qaybtii dambe ee 30-kii daqiiqo ee lagu daray ciyaarta ayay labada xul ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah iyaga oo aan waxba kala dhalin.

Xulka Croatia ayaa daqiiqadii 109-aad ayuu xulka Croatia helay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka ka ciyaara ee Mario Mandzukic kaas oo ka faa,iidaystay khalad daafaca ah sidaasna ku dhaliyay goolka 2-aad ee xulkiisa ciyaartana ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu guul gaaray xulka qaranka Croatia iskana xaadiriyay Finalka koobka adduunka Russia 2018.

Fikirkaada Ku Dhiibo Facebook ama qeybta hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada