XOG: Horyaalka La Liga Oo Xiddigaha Ugu Badan Ku Leh Finalka Koobka Adduunka.

Xulalka France iyo Croatia ayaa iska xaadiriyay finalka koobka adduunka Russia 2018 kadib markii ay kala dhaafeen laba xul oo ka mid ahaa xulalka ugu qaab ciyaareeda fiicanaa tartanka sanadkan.

Xulka France ayaa jiidhay xulka Belguim iyaga oo uga adkaaday 1/0 halka xulka Croatia uu ka adkaaaday xulka England kulan siio lahaa oo lagu daray 30-ka daqiiqo ee dheeriga ah.

Tartanka ayaa haatan dhamaan doona Axada iyada oo ay finalka wada ciyaari doonaan xulalka France iyo Croatia 6 galabnimo ee saacada geeska Africa.

Horyaalka La Liga ayaa xididgaha ugu badan ku leh finalka koobka adduunka iyaga oo ku leh 9 xiddig halka horyaalk Serie A-du yahay midka 2-aad ee xiddigaha ugu badan ku leh Premier League (6), Bundesliga (5) ayaa sidoo kale xiddigo ku leh.

Xulka France ayaa soo gaaray finalka koobka adduunka isaga oo soo dhaafay xulal adag oo loo saadaalinayay tartanka kuwaas oo ay ka mid yihiin Argentine,Uruguay iyo Portugal.

Dhanka kale xulka Croatia ayaa finalka koobka adduunka u soo maray wado fudud marka loo eego france iyaga oo kaliya xul weyn la ciyaaray xulka England.

Kooxda.com ayaa xusaysa in kulankan finalka ah yahay midkii ugu horeeyay ee taariikhda xulka Croatia halka France uu ciyaarayo finalkii 3-aad tan ilaa 1998.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “XOG: Horyaalka La Liga Oo Xiddigaha Ugu Badan Ku Leh Finalka Koobka Adduunka.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada