Xiddiga Garabka Uga Ciyaara Juventus Ee Juan Cuadrado Oo Si Cajiib Ah Cristiano Ronaldo Ugu Soo Dhaweeyay Maaliyada No.7

Kadib Markii uu Cristiano Ronaldo ku biiray kooxda Juventus taageerayaasheeda ayaa u waalnayay in ay gacanta ku dhigaan maaliyada xiddiga oo uu dhabarka kaga qoran yahay magaciisa iyo waliba lambarkiisa.

Xiddiga ku khasaaray arinta ayaa ah xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Juventus ee Juan Cuadrado kaas oo haatan haysta lambarka No.7 ee kooxda ku ciyaarta Allianz Stadium.

Si kasta ha ahaatee xiddiga reer Colombia ayaa si cajiib ah ugu soo dhaweeyay xiddiga ay isku kooxda noqon doonaan Lambarkiisa isaga oo waliba raali ka ah.

Xiddiga reer Colombia oo haatan ku jira fasaxiisa xagaaga ayaa bogiisa Instagram-ka ku soo qoray”waxa fiican in aan siiyo si uu u helo”.

“Waxa aan Cristiano Ronaldo ugu ducaynayaa fasalkiisa cusub ee noloshiisa”.

Waxana uu sii raaciyay isaga oo kor u haya maaliyada kooxda Juventus oo uu dhabarka kaga qoran yahay magaca xiddiga iyo waliba No.7,

Ronaldo ayaa kooxda Juventus ugu biiray lacag dhn 112 milyan oo Euro isaga oo noqday xiddiga ugu qaalisan ee ku biiray koox ka ciyaarta horyaalka Serie A-da.

Fikirkaada Ku Dhiibo Facebook ama qeybta hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada